Maamulihii Xilka Laga Qaadey Ee Madaarka Hargeysa Oo Diiday Inuu Xilka Wareejiyo Iyo Sababta
November 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maamulihii dhawaan xilka ka qaadey maareeyaha Haaya’dda Duulista Somaliland ayaa waxaa uu si cad u diiday in uu xilkii laga qaadey uu ku wareejiyo masuulkii loo magacaabey .
Maamulihii hore ayaa tiraba laba jeer oo loo balan sanaa xil wareejintiisa uguna danbeysay maalintii shalay aheyd diiday in uu xilkaasi wareejiyo .
Sababta uu u diiday in uu xilka wareejiyo ayaa warar soo gaadhaya Ilaysnews.com waxaa ay sheegayan in ay tahay kadib markii uu maamulihii hore dalbadey saxaafada tiro badan oo ka soo qeyb gala xafladiisa , isla markaana uu sheegay in uu ku soo bandhigayo wax qabadkiisii