“Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya Masii Yeelan Doonaan Mustaqbalka Saddex Madaxweyne”Ahm,ed Abyi
November 11, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay gobolka Geeska Afrika inuu sii yeelan doonin saddex madaxwayne, isagoo ka hadlayay khudbad uu ka jeedinayay Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Bahardar ee gobolka Amxaarada, sida laga soo xigtay Eritrean Press (EP).
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, kuma soo darin hadalkiisa goorta loo cayimay inay midoobaan dalalkan, balse waxaa uu kusoo koobay mustaqbalka.