Turkiga Oo Iminka War Cusub Ka Soo Saarey Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji , Dalalka Sucuudiga , Mareykanka , UK – na La Wadaagey
November 11, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay codad duuban oo caddey u ah dilka Khaashuqji loo geystay inuu la wadaagay Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudiga iyo Waddama kale.
Madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markale ku celiyey hadalkii ahaa Sacuudi Carabiya iney ogtahay cidda dishay Jamaal Kaashuqji.
Khaashuqji oo ahaa qoraa si weyn u dhaleeceeya hoggaanka sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa 2-dii October lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.