Raga Bidaarta Leh Oo La Sheegay In Hargeysa Timo Loogu Beeraayo+Daawo Sawirada
November 12, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Bidaartu waxay bartilmaameedsataa qaar ka mid ah ragga, waxaana loo sababeeyaa arrimo kala duwan oo isugu jira dhaxal waalid, fikirka badan iyo cimilada, laakiin sabab kasta oo ay ku timaadaba, ma aha mid la jecel yahay.
Ragga sida weyn ula tacaala bidaarta ama timahu ay ka dhammaadaan qeybaha hore iyo kuwa dhexe ee madaxa waxaa ka mid ah Soomaalida oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuula iney wax ka qabtaan arrintaas, oo ay dhibsadaan, inkastoo ragga qaarkiisna aysan dhibaato u arkin.