Dagaal Ka Socda Mooyaale , Cida Ku Dagaalameysa Iyo Tirada Dhimashada
November 13, 2018 - Written by Berbera Today
Kenya(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 7 qof ayaa inta la og yahay ku dhintay dagaal ka dhacay degmada Mooyaale ee ku taalla xudduudda Kenya iyo Itoobiya.
Ilo ay BBC la xidhiidhtay oo deegaanka ku sugan waxay sheegeen in ugu yaraan 13 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka.
Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Tan iyo shalay ayuu dagaalku socday, waxaana la sheegayaa in ay jiraan guryo iyo xafiisyo weli gubanaya.