Dowladda Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay Tiro Saraakiil Ciidaan Ah Iyo Sababta Keentay
November 13, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay tiro kamid ah saraakiisha ammaanka dalkaasi kaddib lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.
Ciidaammada la xidhay waxay ka badan yihiin 60 sarkaal.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa shir ja’raaid ka sheegay inay tacaddiyada ay gaysteen saraakiisha la xiray ay kamid yihiin kufsi iyo inay jirddileen dad dambiyo lagu soo eedeeyay oo gacantooda ku jiray.