berberatoday.com
Somaliland: Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Xal Ka Gaadhay Kiis Dacwadiisu Socotay 17 Sano
November 13, 2018 - Written by Berbera Today

Sanaag(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Sanaag ayaa xal ka gaadhay kiis dil ahaa oo muddo 17 sanno ah xal loo raadinayey.

Kiiskan xalkiisa lagu raagay, ayaa aakhirkii waxa Go’aan kama dambays ah ka soo saaray Sharmaarke Faarax Ismaaciil oo ka mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda Gobolka Sanaag.

Garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil oo ka hadlayay xukunka ay ka gaadheen kiiskaasi dilka ah oo dhacay sannadkii 2001, ayaa sheegay in labada Qoys kiiskaasi dhex yaalay doraad loo kala qaaday, isla-markaana la kala guddoonsiiyay magtii marxuumka dhintay.

Garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aynu kala guddoonsinaynaa Magtii Marxuum Faarax Cismaan Axmed, loona sheeganaayey Marxuum Cabdi Axmed Cali oo dilku ka dhacay sannadkii 2001-kii, illaa muddadana uu kiisku ku jiray maxkamadaha dalka. Illaahay qadarkii Maanta (doraad) uun bay noqotay fulintii in ay dhacdo.”

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag, Ismaaciil Cabdi Xasan ayaa deegaanka Ceel-qoray ee duleedka degmada Ceerigaabo Magta ugu kala wareejiyey labada ardaa, waxaana uu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlayay “Waxaynu iskugu nimid in aynu wareejino diyada Marxuum Faarax Cismaan Axmed, diyadaas oo muddo badan maqnayd ayaanu Maanta wareejinayaa, dilkaas oo dhacay sannadkii 2001-kii, Maxkamadda hawsha ku guulaystayna khayr badan ayaan u rejaynayaa..”

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu intaasi raaciyay “Diyada waxaa la guddoonsinaya dhinaca Marxuum Faarax Cismaan Axmed (Waxayna ka kooban tahay Diyadu) shan iyo labaatan Geel ah, waxaana guddoonsiinaya dhinacii kale (ee Dilka geysatay) oo uu ka joogo Jif caaqilka guud Jaamac Ismaaciil Muuse, waxaana la guddoonsiinayaa Caaqil Cismaan Xirsi Cali..”

Warka Maxkamadda

Intaasi ka dib, Jiif caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse oo matalayey Beesha uu ka soo jeeday Ninka Dilka geystay, ayaa Jiif caaqil Cismaan Xirsi Cali Guddoonsiiyey shan iyo labaatan halaad oo Geel ah iyo cadad lacageed oo lagu qiimeyey inta hadhay Magta Marxuumka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews