Wershad Ku Taala Dalka Shiinaha Oo Dab Ka Kacay.
November 13, 2018 - Written by Berbera Today
China(Berberatoday.com)-Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qarax ka dhacay bakhaar lagu kaydiyo waxyaalaha caagaga ah , taas oo ku taala Barriga gobolka Shandoon ee dalka Shiinaha.
Qaraxan ayaa dhacay kadib markii uu dab qabsaday Bakhaarkaasi uu ku kaydsanaa caagaasi , wershadan oo lagu magacaabo Hufeen Karboon ayaa lagu sameeyaa waxyaalaha Karboonka laga sameeyo .
Ciidamada Booliska gobolkaasi oo ka hadlay qaraxan ka dhacay warshadan iyo waxa sababay dabka wershaddaasi ka kacay ayaa sheegay in ay hadda ku guda jiraan baadhitaanka dhacdadan iyo waxa sababay.