Dawladee Ayaa Dabada Ka Wada Qorshaha Cuno Qabateynta Hubka Lagaga Qaadayo Eretria ?
November 14, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Amaanka ee qaramada Midoobey ayaa la filayaa in Arbacadan maanta ah ay cod gacan taag ah u qadaan qarar la hor keenaayo oo ku saabsan in cuno qabateynya hubka laga qaado dawlada Eritrea isla markaana dawlada Somaliya laga khafiifiyo cuno qabateynta hubka ee saaran .
Ilo Dublomaasiyadeed oo ay heshay shabakada Ilaysnews.com waxaa ay sheegayaan in arintani ay ka danbeysay kadib markii Eretria ay la heshiisay dalka Itoobiya , xidhiidhka ka dhaxeeya dalka Jabuuti na uu soo hagaagay.