“Inuu Meel Walba Yidhaa Inaadeerkay Baan U Dhiibtay Oo Madaxtooyadiina Xaafadayada Ayaan U Rarayaa Wax La Aqbali Karo Ma Aha”Boqor Raabi Yuusuf
November 16, 2018 - Written by Berbera Today
Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi Oo Eedo Culus Ku Hurgufay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Walaacna Ka Muujiyey Xaaladda Dalku Maanta Marayo

Hargeysa(Berberatoday.com)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Maroodi-jeex ayaa si culus oo adag uga hadlay xaaladda dalku maanta marayo isaga oo dhaliilo culus u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kana hadlay arrimo badan oo uu Boqorku baaq ka diray.