Boqorka Beelaha Daarood Oo Soo Gaadhey Gobolka Sool Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
November 17, 2018 - Written by Berbera Today
Laascanod(Berberatoday.com)-Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaadhey gobolka Sool.
Waxaana boqorka meel 10 km u jirta degaanka Tukoraq kusoo dhoweeyey wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ,Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Ka Hortaga Afooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka iyo Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac garaad Ismaaciil .
Waxa kale oo soo dhoweyntaasi qayb ka ahaa Maayirka degmadda laascaanood iyo saraakiisha ciidamada Qaranka ee degaankaasi ku sugan .