Dawlada Xamar Oo Dacwad Ka Dhan Ah Imaaraadka U Gudbisay Qaramada Midoobey
November 17, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa markale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaga dacwootay dowladda Imaaraatka Carabta oo faragelin ku heyso Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb Abuukar Cusmaan ayaa ka dalbaday golaha amaanka inay go’aan ka gaadhaan Xad gudub uu sheegay in Imaaraadku uu ku hayo xayiraada hubka ee Saaran Soomaaliya.
Danjiraha ayaa golaha u gudbiyay in Imaaraatka hub badan ay gelinayaan Somaliland, taasi oo xad gudub ku ah madax banaanida iyo xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.