Akhri :- Faashilka Ku Gadaaman Ballanqaadkii Uu Ololaha Ku Soo Galay Madaxweyne Muuse Sannad Ka Dib
November 18, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii uu sidan ku sii socdo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo sida uu hadalka u dhigay uu la iman waayo awood uu wax kaga qabto xaaladaha dalka ee Murugsan in ay ka xisbi ahaan abaabuli doonaan wax uu Guddoomiye Faysal ugu yeedhay in la iclaamiyo Doorasho wakhtigeedii ka soo hor martay oo aanu Madaxweynuhu awood u lahayn uu kursiga ku sii fadhiyo oo uu ku doodo in shan sano la doortay. Waxa uu Guddoomiye Faysal sheegay in ay dalka u bannaan tahay doorasho degdeg ah (Re-call Elections).