Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo La Filayo Inay Ku Dhawaaqaan In Doorashadu Xiligii Loo Qorsheeyay Dib Uga Dhacayso
November 18, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la xaqiijiyey in ay Bishan dabayaaqadeeda ku dhawaaqayaan dib u dhac rasmi ah oo ku yimid Doorashooyinkii Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo qorshuhu ahaa in ay dalka ka qabsoomaan Bisha March ee sannadka soo socda 2019 oo ay innaga xigaan wax ka yar Afar Bilood, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa rajadii aadka u yarayd ee marka horeba laga qabay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrinkan oo aannu ka helnay Xisbiyada sqaranka ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in ay xubnaha Komishanka Doorashooyinku diyaariyeen baaq ay ku shaacinayaan in gabi ahaanba doorashooyinkii qorshaysnaa Bisha March ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaamadu mar kale dib u dhacayaan taasina god ku sii ridayso hanaankii geeddi-socodka Dimuquraadiyadda Somaliland, mar kalena sidii caadada ahayd doorashooyinkaasi dib u dhacayaan wakhti aan la ogayn iyo duruuf ay ku dhici karaan toona oo aan la ogayn.