Dabka Korontada Oo Dhawaan Loo Adeegsan Doono Daaweynta Cuduro Gaar Ah !
November 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khubarada Caafimaadka Dunida ayaa haatan ku hawlan sidii ay Dabka Korantada ugu adeegsan lahaayeen daaweynta Cudurada qaarkood.
Sidaana waxa lagu Baahiyey Wargeyska Independent oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, khubaradan ayaa ku hawlan sidii ay korontada ugu adeegsan lahaayeen dhibaatooyinka caafimaad ee soo waajaha jidhka aadamaha waxaanay khubradaasi sheegeen inay dedaalkooda waddaan, balse si guushaasi loo gaadho ay lagama maarmaan tahay in si xeel dheer loo daraaseeyo qaabka ay xubnaha jidhku guud ahaan u shaqeeyaan.