Farmaajo Oo Weji Gabax Kala Kulmay Safiirka Maraykanka Oo Uu Ugu Tagay Xerada Xalane
November 20, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa cambaarayn kala kulmay goobta uu waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirka Maraykanku u soo magacaabay Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto
Mr. Farmaajo ayaa danjire Donald Yamamoto wuxuu waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Xerada Xalane, oo uu ku soo degay safiirku. Safiirka ayaa sida muuqata wuxuu madaxtooyada Soomaaliya ka shakiyay ammaankeeda, waxaanu Madaxweyne Farmaajo ugu yeedhay xerada Xalane oo loogu sameeyay munaasibad kooban.