Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Soo Horjeestay Isdhax-galka Siyaasadeed Ee Soomaaliya Iyo Itoobiya
November 21, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamed ayaa si adag uga horyimid ololaha siyaasadeed ee ka socda Geeska Africa, gaar ahaan isku soo dhawaashiyaha siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamay tallaabo lagu deg degayo wakhtigan islamarkaana suurtagal aheyn in Soomaaliya iyo Itoobiya ka midoobaan dhinaca siyaasada, madaama ayuu yidhi Soomaaliya wali dowladnimadeedu bislaanin arintaa iyada ah.