Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Tababar Usoo Xidhay Saraakiil Soo Dhamaysatay Dugsiga Tababarada Ee Darara-Weyne+Daawo Sawiro
November 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tababar u soo xidhay dufcad kamida ciidamada qaranka Somaliland oo tababar uu ugu soo dhamaaday dugsiga tababarka ee Dararo-weyne.
Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay qalin-jebinta saraakiishan ayaa waxa ugu horayn faah-faahin ka bixiyay duruusta iyo tababarada ay qaateen ciidamadani Taliyaha tababarada ee ciidanka qaranka Somaliland waxaana uu sheegay in ciidamadani la baro wadaniyadda, difaaca dalka iyo dad la dhaqanka oo ah shayga ugu horeeya.