Qiso : Jaceyl Ay Buburiyeen Gantaalada Diyaaradaha Ee Israa’iil !
November 22, 2018 - Written by Berbera Today
Suriya(Berberatoday.com)-Maalmo yar ayaa ka hadhsanaa Arooska Wiil magaciisa la yidhaahdo Faadi iyo gabadh magaceeda la yidhaahdo Yara, balse gantaalada Diyaaradaha Dagaalka ee Israa’iil ayaa waxay burburiyeen Farxadii labadaasi lammaane ee is calmaday.
Taashkii Arooska ee ay Yara ka soo Iibsatay Dalka Suuriya iyo sidoo kale gurigii quruxda badnaa ee uu goglay Faadi waxay isku baddeleen ciid iyo jaajur kadib markii uu haleelay mid ka mid gantaalada Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil.