Wararkii Ugu Danbeeyey Weerar Uu Xalay Ceel Afweyn Ku Soo Qaadeen Malayshiyaadka Uu Higaamiyo Caare Iyo Khasaraaha Ka Dhashay
November 22, 2018 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Wararkaka soo gaadhay Magaalada Ceel Afweyn warbaahinta Madaxbanaan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo uu wado Korneyl Caare ay xalay weerar ku soo qaadeen Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Ceel Afweyn isla markaana ay ku sugan yahiin ciidamo kooban oo halkaas fadhiisinkoodu yahay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ay rasaas is weydaarsadeen Ciidankaa Jabhada Caare iyo ciidankii halkaasi ku suganaa waxaana ku dhawaacmay hal askari oo katirsan Ciidamada asluubta ee Ceel Afweyn kusugnaa Waxaana La sheegay in israsaasayntaas kadib ay magaalada iska baxeen Malayshiyaadkii uu watay Korneylka falaagada ah ee Caare lamana hubo inuu khasaare gaadhay ciidamad malaydhiyaadka ah sababtoo ah si deg deg ayaa la sheegay inay uyaaceen iyaga oo ujahaystay dhinaca maamulka Putland ee laga soo shiidaaliyo.
Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xilii ay magaalada Ceel Afweyn ku sugan yahiin laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Muuse Biixi kuwaas oo kala ah wasiirka ciyaaraha iyo Wasiirka Shaqo Galinta , kuwaas oo la sheegay inay gogol xaadh u yahiin madaxweyne Biixi oo la filaayo inuu Ceel Afweyn Gaadho.