“Faysal keligii Ha Loo Ogolaado Inuu Ku Xiiqo Wadahadalka Gudhan, Waayo Aad Buu Xiiso Ugu Hayaa Inuu Horfadhiisto Cid kasta Oo Dafirsan Xaqa Shacbiga Somaliland”Cali Guray, “
November 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) oo kamida masuuliyiinta xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid faysal Cali Waraabe oo isagu Ika Horyimid Go,aankii Madaxwaynaha Somaliland ku lalaalay Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya.

Siyaasi Cali Guray ayaa ku taliyay in faysal cali waraabe kaligii loo ogolaado wadahadalada kuwaasi oo uu xusay in aanay jirin wax natiijo ah oo kasoo baxaya inta maamulka muqdisho Dafirsan yahay xaqiiqda iyo rabitaanka shacabka Somaliland.