Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Wadaama Goo
November 23, 2018 - Written by Berbera Today
Wadaama-goo(Berberatoday.com)-Shacab-weynaha ku dhaqan degmada Wadaama Goo ee gobolka Saraar, ayaa si ballaadhan usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Guud ahaanba shacabka ku dhaqan degamada Wadaama Goo oo isugu jira madaxda dhaqanka, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta, ayaan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay muujiyeen taageerada luxdan ee ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.
Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa dadweynaha goob fagaare ah kala hadlay, waxana ay ka mahadceliyeen soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, iyaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii adkeeyaan is kaashiga iyo wax wada qabsiga.