Qaramada Midoobey Oo Guclo Iyo Orod Ugu Jirta Inay Kulan Fool-Ka-Fool Ah Isku Horfadhiisiyo Biixi Iyo Farmaajo
November 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida danjire Nicholas Haysom, ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayo sidii ay kulan fool-ka-fool ah u yeelan lahaayeen Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Ma jiro wax war ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan, laakiin sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergaygan oo dhawaan xilka kala wareegay ergaygii hore ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Biixi iyo Farmaajo, waxa la sheegay inuu u soo bandhigay doonistiisa ah inay yeeshaan kulan toos ah si dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka ku yimid. Laakiin lama garan karo inuu weli labada madaxweyne ku qanciyay qorshihiisa ah inay kulmaan.