Golaha Wakiilada Somaliland Oo Markii Shanaad Muddo Kordhin Loo Sameynaayo
November 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la filayaa in markii 5aad loo sameeyo muddo kordhin muddo xileedkooda ah, ka dib markii sida muuqata aanay doorahada baarlamaanka iyo deegaanku wakhtigooda ku qabsoomayn.
Golaha wakiilada oo la doortay bishii September ee sannadkii 2005, ayaa sharciyan waxay ahayd inay kuraasta golaha wakiilada ku fadhiyaan shan sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010, laakiin waxa loo sameeyay afar goor oo muddo kordhin ah.
Doorashada baarlamaanka oo la qorsheeyay inay qabsoonto bisha March ee kal dambe ayaa u muuqata inaanay ku qabsoomayn wakhtiga loogu tallo galay, iyadoo ay sabab u yihiin duruufo kala duwan oo caqabad ku noqday qabsoomida doorashadaas. Waxaana la filayaa in dhawaan golaha wakiilada loo kordhiyo markii shanaad.