Ka Bixintankii Ingiriiska Ee Midowga Yurub Oo Iminka Heshiis Laga Gaadhey .
November 25, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ingiriiska waxaa ansixiyay hoggaamiyeyaasha reer Yurub, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk.
Hoggaamiyeyaashan oo gaadhayay 27 ayaa taageeray heshiiska ay Britain kaga baxeyso Yurub kaddib kulan qaatay wax ka yar saacad ay ku yeesheen magaalada Brussels.
Tusk ayaa Sabtidii ka dhawaajiyay in heshiiska qabyada ah la ansixin doono kaddib markii xukuumadda Spain ay ka laabatay go’aankeedii ku saleysnaa mustaqbalka gobolka Gibraltar.