Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gaadhay Degmada Ceel Afweyn Caawana Uhoyan Doona
November 25, 2018 - Written by Berbera Today
Ceel Afweyn(Berberatoday.com)-Waftigii uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland ee safarka ku maraayey gobalada Bariga Somaliland oo saaka Hiirtii ka soo jarmaadey magaalada Laascaanood ayaa maanta ku sugan degmada Ceel Afweyne ee gobalka Sanaag.
Reer Ceel Afweyn ayaa madaxweynaha Somaliland u sameeyey soo dhaweyn balaadhan isaga oo madaxweynuhu na uu khudbad u jeediyey .
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu caawa u hoyan doono magaalada Ceel Afweyn isla markaana uu la kulmi doono madax dhaqameedka degmadaas