Waddani Iyo UCID Oo Ka Arrinsanaya Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka, Xilli Uu Madaxweyne Biixi Socdaal Ku Marayo Gobalada Bariga Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey
November 27, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulamo siyaasadeed, ayaa la sheegay inay u bilaabmeen madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID, xilligi uu Madaxweyne Biixi safar ku marayo gobalada bari ee dalka.
Kulamadan oo aanay warbaahintu la socon islamarkaana aan weli isu rogin kuwo rasmi ah, ayaa waxay ku bilaabmeen sida ay warar soo baxay sheegayaan kuwo dhex maray labadii murashax mucaarad ee xisbiyadan Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo toddobaadkan dalka ku soo laabtay. Waxa ay wararku sheegayaan inay ka tashanayaan xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland oo ay ugu horayso qorshaha Waddani iyo UCID uga meel yaala haddii dib u dhac ku yimaado doorashada golaha wakiilada oo u muuqata inay dib uga dhacayso wakhtigii loo qoondeeyay ee ahaa March 2019.