Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Digniin Udiray Sariflayaasha Iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta.
November 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-halkan Hoose Ka akhriso warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Gudoomiyaha Banka dhexe Ee Somaliland Ali Ibrahim Jaamac “ Baqdaadi “
WAR-SAXAFADEED:
Waxaan marka hore hanbalyo diiran u dirayaa Guddoomiyaha Shirkada Telesom Mudane Abdikareem Mohamed Eidoo ku guulaystay inuu noqdo Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta AFRICACOM 2018. Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Labada Shirkadood ee Telesom iyo Dahabshiil waxa ka dhaxeeya wadashaqayn wanaagsan , waxaanay labada shirkadood ka midyaheen yaheen tiirarka ugu waawayn ee dhaqaalaha iyo horumarka teknoolajiyadda Somaliland ku qotomo.