Xildhibaan Nacnac Oo Guddiga Doorashooyinka Ugu Baaqay Inay Is Casilaan
November 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka looga baahan yahay inay is casilaan, madaama uu tilmaamay in Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ay kalsoonidii kala noqdeen.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Barlamaanka sii joogayaan, ilaa iyo inta laga helayo Barlamaan iyaga bedelo, oo la soo doortay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Sharci saxda ah waxaa weeye in ilaa inta laga helayo Barlamaan la soo doortay, oo Sharci lagu soo doortay anaga ayaa fadhiyeyna, sharci ayaana ku fadhiyeynaa, waana ceeb dal dhisan in Barlamaankiisa sharci daro lagu sheego, ninkaas yidhina khalad buu u yidhi, Doorashada oo dhacdana waxaa ka horeeya Saami-qaybsigii, tirikoobkii baa ka horeeya, Dastuurkii oo la furo ayaa ka horeeya, waayo waa in Beelaha darafyada saamigoodii la siiya, haddii kale Beesha Dhexe ayuun baa kuraasta ugu badan mar walba helaya”.