Cabdiweli Oo Shalay Ciidamo Badan Ku Soo Galay Deegaamo Ka Tirsan Bariga Gobolka Sanaag Ee Somaliland
November 29, 2018 - Written by Berbera Today
Dhahar(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi-Weli Cali Gaas ayaa shalay arooryadii hore safar dhulka ah ku soo galay Deegaamo door ah oo ka tirsan Gobolka Sanaag ee Somaliland iyadoo uu maalmihii u dambeeyay xarunta Gobolkaasi ee Ceerigaabo isaguna ku sugnaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Cabdi-Weli Gaas ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyay ee Puntland ee soo Gaadha Magaalada Dhahar ee Somaliland.
Waxa uu Cabdi weli Gaas ka hor intaanu soo gaadhin Deegaamadaasi iska soo horaysiiyay Ciidamo aad u badan oo aad u qalabaysan. Ujeedka ciidamadani ayaa lagu sheegay in loogu talo galay inay sugayaan Amaanka Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, isagoo markii dambe si toos ah ugu degay Magaaladda Dhahar ee Gobolka Sanaag ee Somaliland halkaasi oo soo dhawayn balaadhan loogu sameeyay islamarkaana uu dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaaladaasi uu Goob fagaare ah kala hadlay. Magaalada Dhahar ayaa waxaa lagu arkayay Shalay qaybaheeda kala duwan ciidamo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan.