Daawo Muuqalka”Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Jawaabey Dib U Dhaca Doorashoyinka Ee Kominshanku Ku Dhawaaqay
November 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa ay si adag uga jawaabeen dib u dhaca doorashooyinka wakiilada iyo deeganka ee ay shalay ku dhawaqeen Kominshanka doorashooyinka Somaliland .
Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde oo arintani ka Hadley waxaa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinkaas ay masuulyada ay leedahay xukuumada iyo madaxweyne Muuse Biixi isla markaana aaney aheyn wax la aqbali karo .
Sidoo kale Xil Jirde ayaa cadeeyey in xisbiga Waddani aanu marnaba aqbali doonin in doorasho danbe ay u qabtaan kominshan doorasho oo qaabkan hada uu yahay loo soo xulaayo