Qaar Ka Mid Ah Gudida Sariflayaasha Hargeysa Oo Ka Hadlay Hoos U Dhac Ku Yimid Qiimaha Sarifka Lacagta Qaalaad Ee Dollarka,
November 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Xubnaha Gudida Fulinta Sariflayaasha Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda uu ku sugan yahay qiimaha Sarifka lacagta qalaad ee Dollarku iyo hoos u dhac weyn oo ay sheegeen inuu maalmihii u dambeeyay ku yimid, waxa ay sidoo kale ka hadleen sababaha keenay inuu hoos ugu dhaco iyo waxa hakad galiyay Doolar qaaliyawgii aadka bulshada Somaliland uga caban jirtay Horaantii sannadkan sii dhamaanaya, waxa kale oo ay beeniyeen war dhawaan ku soo baxay Warbaahinta dalka oo si male awaal ah ay sheegeen in loo alifay, loona baahiyay, oo lagu sheegay inuu sicirka Dollarku sare u kacay taasi oo ay ku sheegeen waxba kama jiraan.