Dawlada Xamar Oo War Cusub Ka Soo Saarey Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya
November 30, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in si loo ilaaliyo midnimada umadda Soomaaliya muhiim tahay dardragalinta wada hadalladii lala lahaa Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya inteeda kale ka go’day 1991kii.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kulankii shalay ee Golaha Wasiirradda Somaliya looga dooday qodobkan la xidhiidha midnimada Ummadda Soomaaliyeed sidaa daraadeed leysla gartay muhiimadda leedahay in la soo nooleeyo lana dardargaliyo wada hadaladdii lala lahaa Somaliland.