Gabadh Loo Xidhay Sawir Ay Iska Qaadday Awgii
November 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hindiya(Berberatoday.com)-Haweeney u dhalatay dalka Hindiya oo bishii la soo dhaafay ku guul darreysatay isku day ay ku dooneysay iney ku gasho mid ka mid ah macbadyada ay barakeystaan dadka heysta diinta Hinduuga ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay dacwad, ka dib markii ay Facebook-ga soo dhigtay sawir ay iska qaadday iyadoo ay “bowdadeeda qaawantahay”, xilli ay ku sii socotay macbadka.
Rehana Fathima oo 32 sano jir ah ayaa si weyn looga yaqaannaa qeybo ka mid ah Hindiya, waxaa howlaha ay qabato ka mid ah farsamada isgaarsiinta, u doodidda xuquuqda dadka kale iyo xayeysiiska dharka.