Maxkamad Australia Ku Taallo Oo Ay Ka Dhacday Arrin Af Kala Qaad Ah Iyo Nooca Ay Tahay Arintu Akhriso
November 30, 2018 - Written by Berbera Today
Melbourn(berberatoday.com)-Nin ayaa si khalad ah loo keenay maxkamad ku taalla dalka Australia si loogu xukumo dambi dil ah, ka dib markii lagu khalday nin ay isku magac yihiin.
Peter Brown oo 57 sano jir ah, oo lagu helay in uu dilay Simone Fraser ayaa kasoo muuqan lahaa maxkammada sare ee Victoria ee Melbourne.
Balse waxaa garsoore John Champion, oo aan ku faraxsaneen talaabadan, la hor keenay nin kale oo lagu magacaabo Peter Brown,
Peter Brown-kii dembiga lagu helay, ayaa dib laga keenay waxaana lagu xukumay 30 sano oo xarig ah.