Safiirka Imaaraatka Ee Soomaaliya Oo Shaaciyay Qorshe Ay Damacsan Yihiin Bilaha Soo Socdo
November 30, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Danjiraha Imaaraatka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi ayaa kulanka uu la yeeshay wakiilka QM ee Soomaaliya ku yeeshay inuu yahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka Imaaraatka iyo Xafiiska Siyaasadda QM ee Soomaaliya.