Daawo Muuqalka”Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Hargeysa Loogu Soo Dhaweeyey+Sawiro
December 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ku marayey gobollada bari ee dalka.
Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda oo ay hormood u yihiin maamulka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo madaxdoodu oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, ayaa iyaga oo isku duuban madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ku qaabilay bariga kaantaroolka Halleeya, waxana halkaas hadallo mahadnaq ah uga jeediyey Madaxweynaha iyo xubno kamid ah dadka magaca ku leh bulshada reer Somaliland, ka hor intii weftiga loo gelbin dhinaca gudaha caasimadda Hargeysa oo ay tubnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo ujeellan aragtida madaxweynaha.