Dawladda Ingiriiska Oo War Ka Soo Saartey Arimo Ay Somaliland Kula Fikir Tahay Iyo Mawqifka UK Ee Aqoonsiga S/land
December 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan arrimaha horumarinta dalalka barwaaqo sooranka Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in Ingiriisku Somaliland kala shaqeeyo arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka gobalka, waxaanay sheegtay inay Madaxweyne Biixi dhawaan kala hadashay arrimaha ammaanka gobalka. Laakiin Wasiir Baldwin waxay aqoonsiga qaddiyadda Somaliland ay ku soo riixday in lagu dhammeeyo wada hadal Soomaalida dhex mara, wadamada gobalkuna aqoonsadaan.
Xildhibaan Jim Cunningham oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee dalka Ingiriiska, ayaa baarlamaanka Ingiriiska wuxuu Wasiir Harriet ku weydiiyay su’aal ahayd waxyaabaha ay dawladda Somaliland kagala hadashay wada hadaladii u dambeeyay ee dhinacyada ammaanka gobalka iyo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.