Golaha Wasiirada Itoobiya Oo Oggolaaday Dhismaha Ciidamada Badda Dalka
December 1, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)- Golaha xukuumadda Itoobiya ayaa isku raacay sharci qabyo ah oo ku saabsan dhismaha ciidamada badda iyo horumarinta hay’addaha amniga.
Sharcigaan oo ah mid cusub ayaa la hor keenay galaha xukuumadda Itoobiya iyagoona cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo loo gudbin doono baarlamaanka si dhankoodana u ansixiyaan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.
Sharcigaan ayaa dhigaayo in la dhiso ciidamo xooggan oo badda ah, waxayna noqoneysaa taariikhda Itoobiya oo bad laheyn markii ugu horeysay ee ciidamo badda loo sameeyo.