Itoobiya Oo Shaacisay Shuruudaha Lagu Soo Xulayo 59 Dublamaasi Oo Dhawaan La Magacaabayo
December 1, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawlada Itoobiya ayaa shaacisay inay dhawaan magacaabayso qaar ka mid ah dublamaasiyiinta u qaabilsanaan doona wadamada debada.
sida ay ku warantay wakaalada Fana Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha debada Itoobiya oo lagu magacaabo , Meles Alem ayaa sheegay in la magacaabayo 59 dublamaasi oo qaabilsanaan doona wadamada ay Itoobiya xidhiidhka la leedahay.
Afhayeenka ayaa xusay in dhawaan la magacaabi doono dublamaasiyiintaasi, isaga oo tilmaamay in xubnaha la magacaabayo ay noqon doonaan dad aqoonyahano ah iyo kuwo aan ka tirsanayn wasaarada arimaha dibada oo ah dublamaasiyiin.