Ololaha Doorashada Puntland Oo Uu Ka Soo Dhex Boodey Ganacsade Sidii Madaxweynaha Mareykanka Cabsi Galiyey Murashaxiintii Kale
December 1, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Xiisada Ololaha Loogu Jiro Tartanka Madaxtinimada Puntland oo Maalinba Maalinta Ka Dambeysa Xadhiga Sii Goosaneysa ayaa Waxa markii u Horeysay Si Lama Filaan ah uga Soo Dhex Mudhey Mid Kamid ah Bulshada Rayidka ah Gaar ahaana Ganacstada Shacabka Puntland.
Eng Maxamed Cismaan Cali Maad oo kamid ah Ganacsatada Sida aadka.ah Looga Yaqaan Guud ahaanba Puntland ayaa, Wakhti Xaadirkan Si Culus ugu Dhawaaqey in uu Yahey Murashax u Taagan Tartanka Loogu Jiro Jagada Madaxtinimo ee Puntland iyadoo ku Dhawaaqistiisu Noqotey Mid kusoo Beegantey Wakhti ay Godka kasoo Wada Baxeen Ragga Damacu kaga Jiro Kursigan islamarkaana,Mutashaxiinta Badankoodu Ciyaar iyo Durbaanba Dhameysteen, taas oo Sabab u noqotey In Indhaha Shacabka Puntland mar Kaliya kusoo jeediyaan Dareenkooda, iyagoo u Dhegtaagaya Murashaxa Ganacsatada ah ee kamid ah Shacabka ee Ciyaartiisa iyo Durbaanka Kusoo Beegay Xili Murashaxiinta Kale jiib iyo Jaanba Dhameysteen.