Daraasad Caafimaad”Jimicsi La’aanta Iyo Fadhiga Badan Oo Noqday Dilaha Qarsoon
December 2, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khubarada dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujisay in wax aad u yar laga qabtay sidii loo yarayn lahaa saameynta ka dhalata dhaqdhaqaaq la’aanta ama jimicsiga ku yar dadka ku nool caalamka. War bixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu qiyaasay in afar meelood hal meel oo ka mid ah dadka dunida – oo ah tiro dhan 1.4 bilyan oo ruux aanan samaynin jimicsi ku filan, tiradan ayaana sare u sii kacaysay tan iyo sannadkii 2001-dii.