Qodobadii Ugu Cuslaa Ee Ay Maxweyne Biixi Hordhigeen Oday Dhaqameedka Ceerigaabo Iyo Ceel-Aweyne Oo La Helay
December 2, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Baadhis dheer oo Wargeyska Foore muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa oo ku aaddan kulamadii xasaasiga ahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay Odayaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo mudadii uu ku sugnaa Gobolkaasi safarkiisii Toddobaadkan ayaa waxa noo suurto gashay in aanu xogo rasmi ah ka helno natiijada qodobadii ugu shishlaa ee kulamadaasi lagu soo qaaday ee ay labada dhinac ka wada hadleen.
Kulamo gooni gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Magaalooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo kula qaatay Wax-garadka iyo Odayaasha Beelaha deegaamadaasi ayaa inta badan nuxurka qodobadii laga wad hadlay waxa ay ku salaysnaayeen xaaladaha siyaasadeed iyo wadciga dalku wakhtigan marayo iyo gaar ahaan waxa ay sida gaarka ah u tabayeen beelaha uu odayaashooda kulamadaasi kula qaatay ee ay door bidayeen in ay kala hadlaan oo ay sii diyaarsadeen.