Daawo Muuqalka”Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Si Jujuub Ah Ku Ansixiyay Xeerka Booliska Ee ahaa In Rasaas Nool Boolisku Dadka U adeegsan Karo Iyo Tirada Uu Sheegay Oo Is-Waafaqayn
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta fadhi ay yeesheen dood iyo is-marin waa ka dib Guddoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed Faarax sheegay in Cod la galiyo gacan taaaga Xeerka booliska oo ay ku jiraan qodobo sheegaya in Xabad nool loo adeegsan karo qofka shacabka ah xataa hadddaanu hub sidan,
Arrinka la yaabka noqday ayaa ah in Guddoomiye Baashe sheegay in Qodobkan ay ogolaadeen 13 Xildhibaan, halkan aya diideen 23 Xildhibaan, iyadoo ay ka aamuseen 11 Mudane.
Lama garanayo sababta ay Bulshada dadka wax garadka ah ugu hadli waayeen arrinkan inkasta oo ay jiraan Garyaqaano ka hadlay sidda Guuleed Axmed Jaamac “Dafac” oo sheegay in xeerkani guud ahaantii yahay mid khatar ku ah Bulshada rayidka ah.