Daawo Muuqalka”Tv-ga CNN Oo Soo Bandhigay Sababtii Loo Khaarijayay Jamaal Khashoggi Iyo Fariimo Ay Iswaydaarsadeen Wiil Ku Sugan Dalka Canada
December 3, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Bereberatoday.com)-Warbixin ay daabacday CNN ayaa lagu sheegay in fariimo ay isku weydaarsadeen WhatsApp Khashoggi iyo Cumar Cabdulcaziz oo ah arday ku nool dalka Canada inay iftiimin karaan dilka weriye Khashoggi.
CNN oo heshay illaa afar boqol oo farriimo oo ay is weydaarsadeen Cumar iyo Khashoggi ayuu mid ka mid ah fariimahaas waxa uu weriyaha la diley ee Khashoggi ku tilmaamay dhaxalsugaha Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman inuu yahay bahal aan cidna deyneyn xitaa kuwa taageerayaasha u ah.
“Xadhiga waa mid aan loo meel dayin,waana kaligii taliye jecel xoog iyo cadaadis, waa sida bahalka oo kale oo jecel marwalba inuu wax cuno,lamana yaabayo in cadaadiska uu gaadhro xitaa kuwa u sacaba tumaya iyo kuwo kalaba Allaa wax og,”ayaa ka mid ahayd farriimaha uu direy Khashoggi.