Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Shirkii Ganacsi Ee Uu Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Kenya Uu Iskugu Soo Jiidayay Nairobi Iyo Hargeysa, Maxaase Ka Soo Baxay?
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa jimcihii Doraad Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa.
Shirkan waxa soo qaban qaabiyay Safiirka Xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya Baashe Cawil. Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore Somaliland ay u shaacisay inay ka qayb geli doonaan. Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirkaasi ganacsi ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland, waxaanay arintaasi isku badeshay waji kale.