Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Midowga Yurub+Daawo Muuqaal Iyo Sawiro
December 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaadhan oo ka socda midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha wefdiga ah ee ka socday midowga Yurub, ayaa kulankooda diirrada ku saaray arrimo dhawr ah oo salka ku haya xoojinta Dimuqraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, isbedelada siyaasadeed ee geeska Afrika, iyo arrimo doora oo la xidhiidha horumarinta arrimaha bulshada.