Masar Oo Soomaaliya U Direysa Khubaro Sahaminaya Kaydadka Shidaalka
December 3, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Masar, Dr. Daariq Al-mala ayaa shaaca ka qaaday inay Khubaro u soo diri doonaa dalka Soomaaliya, si ay sahmin ugu sameeyaan Kaydadka Shidaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geystaan Soo-saarka Shidaalka.
Wasiir Daariq Al-mala waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya, Md. C/rashiid Maxamed oo maalmahan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.