Akhriso Qisada”Haweenay Damacday Inay Madoobayso Timaheeda Oo Nolsheedu Halis Gashay !
December 4, 2018 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Dad aad u tiro badan gaar ahaana haweenka ayaa waxay adeegsadaan waxyaabo badan oo lagu qurxiyo timaha waxaana ka mid ah dawada Madoobaysada, mana oga dadka isticmaala badankoodu dhibaatada caafimaad ee ay leedahay waana sababta dhalisay in gabadh magaceeda la yidhaahdo Esttela da’deeduna tahay 19 jir una dhalatay Dalka France in markii ay Marsatay Dawo madoobayso ah uu madaxu aad u bararay isla markaana ay halis gashay nolosheedu.
Sida lagu baahiyay Wargeyska Le Periein ee ka soo baxa dalkaasi France oo Shabakada Wararka Ee Berberatoday.com ka soo xigtay ayaa sheegay in Gabadh dawadaasi madoobaysada ah marsatay uu diiday jidhkeeda isla markaana waxa la xaqiijiyay in dawadaasi ay xasaasiyad ku leedahay, gabadhan ayaa dawada u iibsatay si ay ugu qurxiso timaheeda waxaanay ku waayi gaadhay nolosheeda.