berberatoday.com
Cumar Cagjar hadalkiisu waa mid ku qotoma Siyaasad iyo Marmaroojinteeda?Abokor Mohamud abokorm@hotmail.co.uk
December 4, 2018 - Written by Berbera Today
Cumar Cagjar hadalkiisu waa mid ku qotoma Siyaasad iyo Marmaroojinteeda?
Waxa uu doonaya sidii dib loogu soo gelin laha Amaanka gudaha ee Ismaamulka dhulka Somaalida Itoobiya haysato Ciidamdii Maamulkii hore Aas asaha ka ahaa ee la odhan jiray Liyuu poliska.
Sidoo kale ileen Soomali qabill iyo wax ku doonkiisa iskam dayse waxa uu doonaya inuu helo Codka iyo tageeerida Reerkiisa .
Waxa inta soo raaca Abiya Axmed oo warka hortii xushay cidii degaanka soomaalida uga wakiil ahaan ugu jiri lahayd ERDF ka .
Inta waxa lagu sii daraya Cumar Cagjar iyo ONLF ta iska soo xerro gashay ba inay gudcur indhaha ku hayaan waa marka loo noqdo sharciga Itoobiya ee iminka jira oo at adag tahay in si yar oo fudud looga yeelo cid kasta waxay jeceshay balse lagu qasban yahay in loo hogaansamo.
Waxa jira soo dhaweyno iyo kulmo farra badan oo gudaha Itoobiya ka socoda oo aan kaliya ku koobneyn Somaalida iyo Maalin mash-xardeed balse la la qabo sida Oromada oo kale sida ku xeel dheerayashu qeexayaan Jabhadaha iyo Dadka taageeradaba u ahiba wakhtiga iskaga lumin karaan waxaan wax weyn u keeni karin.
Waa uu ogyahay inay Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummadeeduba ay yihiin kuwo aan Aqbali karin waxa uu ka sheekeyey iyo wax la falgal balse sida jirta waxa Siyaasadisu ku hirgeli karto ayuu uga dan leeyahay ,inkasto ay adag tahay in inay u suuro gasho sida uu is mood siiyay ee wax ugu suuro gali karaan.
Si kale waa ku socd barad xaga Siyaasad iyo Maamulka ba lagana yaaba isaga laftigiisa in “miino” loo Aasay si wax ka bedel ku aadan isaga ay Xukumada dhex wado oo Cudur hadhow looga dhigi karro inuu arimo kalsooni darro keeni karra oo aanu cid la wadaagin uu ku kacay sida kuwa uu ka hadlay ee aan waxba ka jirin iyo kuwa kale oo qarsoon oo looga shakiyi karro.
Mid kale iyada dhinaceed waa noqon karta Arimo Dawlada dhexe doonayso oo sidan uu Cumar Cagjar u hadlay ay dhab tahay in kasto taasi yara adag tahay marka loo eego xaldaha isku dhex milan ee ka jira gudaheeda awgeed oo inta jirta ba ugu filan tahay dhibaato iyo tashuush.
Si kastaba ahaate waxa Xukumada Muuse Bixi Hogaamiyo ku waajib ah in si Hadaf iyo Qadiyada Qaran, leh uga howl gasho Hadalka, Madax Ismamulka Somalida Itoobiya ka soo buqaday oo meel adag iska Raagto oo Hanaankii Dawladeed leh ku dhaqaqda. In Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummad ahaan iyo madax ba la dhayalsado maaha waxa yaalo badan oo innagag iminkara ayaa jiri kara ficilada cusub ee Itoobiya isla mar ahaanta waa Waajib Qaran inna wada saaran ka howl galkiisa iyo ka falcelinteeda waxyabaha aynaan hidaha iyo soo jireen inoo ahayn ee shiikhsiyaad si khalad ah inoogu soo jahaynayaa.
Itoobiya sida soomalida u taqaan iyo sida ay Soomalidu u taqaan waa labo kala da,weyn oo aan waligood isu imaneyn. Cumar Cagjar iyo hadalkiisu waa xasiisiyadii Nin lagu guurey iyo isago dib wax ka ogaaday in gacmo madhan loo tiriyeey.
abokorm@hotmail.co.uk
Abokor Mohamud
Alla mahad leh.
Bolton United Kingdom
………………..
COMMENTS
|